Talooyin Aad Kaga Baxaysid Walwalka Iyo Walaaca

Marka hore waa inaad fakirtaa ilaahay u mahad naqdaa Allah subxaanahu watacaalaa waxaa ka fikirtaa waxa ilaahay ku siiyay faraha badan halka meelkale aad afka tugaali lahayd.Waxyaabaha dadka nolasha  ka xumeeya waxaa kamid ah iyagoo aad usii eegaya wax ilaahay cidkale uu siiyay.Ilaahay wuxuu yiri nicmada ilaahay idin siiyay ma koobi kartaan marka maxaa lagu siiyay caafimaad,cuno,dhar,biyo iyo hawo hada waxa aad hayso taa ka fikir ilaahay SWC wxuu yiri  ilaahay nimcooyinkiisu aad idin kubadiyay nicma muuqatana way jirtaa,mid qarsoon way jirta oo adoomuhu taa qarsoon waxay gartaan markay waayaan nimcooyin.

Waxa jira marka hore nimcooyin aad u dareemaynin laakin marka uu adoonku dhaafaan ee dhaqtarada uu kawaayo, lacagtiisa uu kuwaayo,ayuu aad uga fakiraa wuxuu yiraahdaa tanina ma aan dareesaneen bee aniga, iyaduna ma naciimooyinka ayey ku jirtaa,hadii uu sida u fahmo waxa wax iska bedela noloshiisa.

-Marka labaad waxa weya wixii tagay inaanu qalbigaagu ku noqnoqnin oo aanu ku dhibin oo habeenkii ka sexanwaayin, waayo ilaahay waxa uu ina siiyay ilaw,ilawgaasi waa dawo aad weyn  hadaba ilawgaasi waa danteeni, hadii wax walba aad xasuusantahy waxa ilaawaysaaba aan jirin oo xasuustaada iyo wax ale wixii  murugo ahaaba aan ka tagaynin maba aad seexan karteen,tusaale geeridii baad ilaabaysaa wixii kudhaafay baad iblaabaysaa.     

Waxaa talo ah maalintaadu waa maalintaadi :maalinkaad aad taagn tahay maalin aad iskaleedahay weeyan oo aad ku xisaabtami karto marka aad gabalku uu kuu dhaco subaxdii hasugin, marka waaga uu ku baryana galabtii hasugin,waqtiga aad taagan tahay ku xisaabtan cimrigaagana ka soo qaad maalin kaliya inuu yahay maalinka saacadihiisa  sanada uqeybi.Dadka had iyo jeer waxa ay u kala hormaraan wagtiga jooga kolba sida uga faaideystaan.

Cabdulahi Binu Mascuud RC waxa uu sheegay (waxa anigu igu  murugo badanahay maalin intuu isoo galay iga baxay oo cimrigayga naaqusay camalkeygana aanu kordhin).Ilaahay SWC wuxuu yir(waxa aan kusiiyay qaado kuwa mahadnaqa noqo).Waxa kaloo kamid ah mustaqbalka soo socda iska daa ilaa intuu imaanaayo dad fara badan ayaa dhibaato kuhaya mustaqbalka iyo walawalkiisa, gaaja kawalwalayaan, faqri ayey ka walwalayaan marka walwalka faraha badan leh mustaqbalka qofka haystane waa waxyaabaha nolasha ka xumeeya weeye arimaha mustaqbalka waxba ha dedejinina ayaa rabi subxaanahu watacaalaa uu yiri.

Waxaa kaloo kamid talooyin oo ah qofna haka sugin inuu kuu mahad noqo oo dad ha dhihin wax fiican baa wadaa oo cilmi ah oo waxtar leh. Maxay wax iga sheegeen oo ay igu mahadnaqi waayeen oo marka xafladaha laga hadlaayo iyo marka warbixinta la qoraayo iyo marka taxliilka la samaynaayo hadii lagu soo qaadiwayo ee ka fikir in ilaahay agtiisa laguugu soo qaadi doono oo xuska ilaahay agtiisa uun laguugu soo qaadi doono.

Hadii aad doonayso nolashu inay macna kuu samayso daka mahad naqooda iyo amaantooda waxba ha xiisaynin ilaahay baad abaal marin ka sugaysaa.

Waxaa kaloo kamid ah talooyinka hadaa doonayso sacaadada nolasha, maskaxda iyo  qalbiga kuu nastaan waxa layiraahdaa faraaga oo ah qofka jaanisku uu haysto inuu ku buuxiyo sheyga camalka layiraahdo xitaa ciyaarta ama jir dhiska tababar aan qeyrka ka mashquulin haba noqdee,dadka had iyo jeer jaaniska leh ee aan shaqeysanaynin waa kuwa ugu muranka badan ee ugu munaafiqada badan ee isku dir badan.

Sidaa daraadeed baa munaafiqiinta ilaahay ka waramay(wuxuu yiri ilaahay SWC waxay raali kanoqdeen munaafiqiintu intay jihaadku kahareen hawlihii caamka ahaa oo umada ka hareen dumarka ee guryahooda ay ku hareen waa dhab weeye sida ay culimo ay sheegeen in fara badan dadkeena waxa qayilaada ku kalifayaa waa shaqala’aanta qofka haduu 10 saacadood shaqeyn lahaa laba saacadoodna midna uu sii socon lahaa midna soo socon lahaa 4 saacadoodna uu cibadaysan lahaa waxaa laga yabaa kii lahadlaba inuu dhihi lahaa lacag iwaydii waqti kuu mahayee,sababtoo ah dunida waxa ugu qaalisan wa waqtiga, nin caalim ahaa oo la dhihi jiray abuu sulam wuxu yiri isxisaabi intaa lagu xisabin marka waqtigu waa wax kooban hadaadan ka faaidaysan wuxuu ku dhaafayaa si fudud oo adigoon dareemin ayuu ku dhaafaa marka waa iga dardaaran waqtigaaga kafaaideyso wabilaahi tawfiiq.

Similar Posts