Sidee Baad u Sameysan Kartaa Asxaab badan iyo Dad Ku Jecel?

Sida aad dadka ula dhaqmeyso

  1.  Waa inaad niyada hagaajisaa oo aad ka dhigtaa qaabka aad dadka ula dhaqanto ee wanaagsan waxa aad ku raadineysaa ajar ee laakiin kuma raadineysid maslaxad.Waxa in badan dhacda qof aad wax ka rabto ama masuul ah markaas waxaad ula dhaqmeysaa si aad fiican,in aad soo dhaweyso,in aad si fiican u salaanto,lakiin hadafkaagu waa ninkan maslaxad aad leedahay inuu kuu dhameeyo.
  2. Waa in aad dadka runtii ula dhaqantaa dad muhiim ah: qofka aad la dhaqmeeyso waa in aad si gaar ah siisaa ihtimaam,tusaale meel la fadhiyo aad soo gashay dadkii salaantay mid ah salaantii waa kaa qaaday isagoo sii jeeda oo mobil ku hadlaya,midna wu kuu istaagay isagoo dhoola cadeynaya ka dib wuu ku soo dhaweeyay isagoo qoslaya oo faraxsan labadan soo sheegnay kee baa qalbigaaga soo jiidanaya? Waxa soo jiidanaya midka si fiican ku soo dhoweeyay.Waxa laga yaabaa qof miskiin ah suuqa kugu salaamo in aad si qabow u salaanto arintaasi maxay tilmaamaysaa?Waxay tilmaameysaa qaabka aad dadka ula dhaqmeyso way kala duwan yihiin,qof muhiim baad ka dhiqtay,qofna kama dhigin laakiin taa looma baahno. Waxa la rabaa qof kasta aad la dhaqmeyso waxaad ka soo qaadaa in uu muhiim yahay.
  3. Waa in aad taqaanaa qofka aad la dhaqmeyso dabeecadiisa: Qof kasta dabeecad gaar ayuu leeyahay,tusaale qof baa jecel sheekada,qof baa aamusan,qof baa keligii socdo,hadad dabeecadiisa aad fahanto qaabka aad ula dhaqameyso iyo qaabka aad ula hadleyso,laakiin hadad ka soo qaadid dadka oo dhan dabeeacadaada oo kale ay leeyihiin waxa imaanaayo isku dhac, marka waxa laga rabaa in aad fahanto qofka  dabeecadiisa iyo qofka asluubta aad ula hadleysid waa in aad fahantaa.Sidoo kale sheekooyinka uu jecel yahay waa in aad fahantaa.Intaas hadad fahantid waxa runtii culima’u nafsi ay xaqiijiyeen qofkaas in uu noqonaayo saaxiibka ugu muhimsan ee ku jecel.Sababtoo ah dadka bani aadamka ahi aad bey u jecel yihiin dadka isku sheekada ahi ,laakiin hadii aanad ogayn sheekada uu jecel yahay iyo waxa uu ka helo oo wax kale uga sheekayso qofka waxa uu dareemaya walwal.
  4. Waa in aad qofka dhaqeysataa marka uu hadlaayo: dhageysigu waa qodobada ugu muhimsan ee keeneysa dadku in ay isku soo dhawaadaan dadku ay is jeclaadaan.Dhegaysiga waa qofka waxa uu ku leeyahay in aad fahanto,dad badan baa jiro dadka wey dhageystaan laakiin marka ay dhaqeysanayan meel kale ayey ku sii jeedaan.Qodobadan waa qodobo aad u muhiim ah in aad sifooyinka noocaas oo kale in aad iska ilaalisomaxaa yeelay waa qodob aad u muhiim ah.
  5. Waa in aad markasta dhoola cadeysa:Markasta oo dadka kula kulmaan waa in aad dhoola cadeysaa.Dhoola cadeyntu waxa ay tilmaameysaa qalbigaagu inuu furan yahay.Dhoola cadeyntu waa massege oo qofka u diraysa oo ay leedahay waan is fahmi karnaa,laakiin markii wajigaagu xirxiran yahay, dhoola cadeyn aanu kaa muuqan,qofku xitaa markuu saa ku arko wuu kaa boodayaa.Dhoola cadeyntu waa albaabada ugu muhimsan ee quluubta fura,balse taas keliya maahee dhoolcadeyntu qalbigaaga ayey massege u diraysaa,marka dhoola cadeyn sameyso maskaxdaada ayey massege u diraysa in aad faraxsan tahay ka dibna farxadii baa qalbigaaga gelaysa ka dib runtii farxad baa yeelaneysaa.Markasta in aad dhoola cadeyso waa qodob aad u muhiim ah.
  6. Waa in aad qofka ugu yeertaa magaciisa:Haddii aad rabto dadka in aad si fiican u wada dhaqantaanoo is ixtiraamtaan,akhlaaqdaada wanaagsanaato oo dadka isjeclaataan waxa laga rabaa in aad qofka magaciisa ugu yeertaa.

Magaca qofka ugu yeertaa macna gaar ayey u sameynaysa,qofkasta waxa uu ugu jeclahay magaciisa in la sheego.Markasta qofka magaciisa aad ilowdo waa markasta qofku dareemayo agtiisa in aad waxba ka hayn.Marka waxa muhiima ah qofka magaciisa waa in aad sheegtaa.

Inta badan waxa inaga dhacda qofka magaciisa lama sheego naanees baa loo sameeyaa naaneesta lasameynaayo inta badan waxaan isticmaalnaa qofka wuxuu yahay marka waxa muhiim ah qofka magaciisa in loogu yeero inkastoo aanahay soomali waxaa jecelnahy inaan ugu yeerno naanees oo qofka raali ka eheen boqokii labaaatan ayaa raali ka ah in loogu yeero naaneesta uu rabo inta badan raali kama aha marka qofka muslimka ah waxaa lagu gartaa inuu naxariis leeyahay marka waa inaan wanaaga ku dadaalnaa iyo ala kacabsiga badinaa dhamaanteena insha alaah. Wabilaahi tawfiiq.

/*54745756836*/

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *