SIDEE AYAA HADAF WAARA U YEELAN KARTAA?

Waa inaa yeelataa hadaf ujeedo aad u halganto intaa nooshahay hadii aad yeelato hadaf cad maalinkasta ku shaqeysata oo uhalganto sacaada ayaad helaysa qodobkaa waxaa si toos ah usheegaaya buuga ay qortay (Mersi happiness).

Buugaas ayaa si cad usheegayaa hadii aad hadaf noloshaan uyeelato in run ahaatii raaxo aad helayso iyo sacaado, hadaba caadada koowad maxay tahay?  Caadada koowaad waxay tahay waa inay is waafaqaan qiyamka maalinkasta aad qabanaysid maxaa yeelay waxa ugu muhiimsan oo nolashaada ku qiimayso waxa weyaan qiyamkaaga,waxaa laga yaabaa nolashaada markaa fiiriso inaa dhahdo nolasheyda waxa ugu weyn oo ugu muhiimsan inaan ilaahay subxaanahu watacaalaa raali galiyo oo kuxirnaado waxaa laga yaabaa ina dhahdo waxa igu muhiimsan caafimaad inaan ku noolado.

markaad fiirisid qiyamka dadka way kala duwan yihiin qofba nolashu wax buu ku qiimeeyaa qofba markii nolasha laga hadlaayo waxbaa ugu muhiimsan waxaa uu helo wuxuu dhahayaa wixii igu muhiimsanaa nolasheyda ayaan helay. Dad qaar waxaa laga yaabaa waxa nolashooda ugu muhiimsan inay tahay caruur, kuwa qaar jeceyl,kuwa kale lacag,mar haday is waafiqaan nolashaada iyo  waxa  aad ku qiimaynaysid  iyo  waxa aad  qabanaysid maalinkasta  haday intaa iswaafaqaan waxa aad dareemaysaa raaxo iyo sacaada,laakin haday is waafaqi waayaan waxa dareemaysaa ciriiri iyo walaac iyo wal wal iyo bur bur  tusaale waxa dhahday nolashu waxa aan kuqiimeenayaa ilaahay raali ahaanshihiisa oo ilaaheey aan kuxirnaado bal kawaran maalin maalmaha kamid ah hadii wax macsi ah aad samayso maxaa imaanaya,waxa imaanaya macsi marka aad samayso oo habeekii aad soo hooyato in qalbigaaga uu gubto maxaa keenay inuu qalbigaaga uu gubto waxaa keenay waxaa nolashaada wanaagsan aad ku qiimaynaysay oo ahayd in ilaahay kuxirnaato iyo waxaa is qilaafay maalintaa waxa aad samaysay oo maaxaa  samaysay macsi.

Waxa kalo lamid ah waxa dhahday nolashu waxa ku qiimaynaya caafimaad balse hadaa sigaar cabto maxa ka imaankara waxa ka imaankara murugo iyo xanuun maxa yeelay waxa is qilaafay waxa aad nolashaada aad ku qiimaynaysay,runtii muhiihada waxa ay tahay in ay is waafiqaan qiyamka uu nolashiisa ku qiimaynaya iyo waxa maalikasta uu samaynayo.

10 QOF HA LA SAAXIIBIN

  1. Saaxiibka shakhsiyadiisu ay liidato ha la saaxiibin: waa qof cidkasta iska la socda,cidkasta iska taageera,mowqif malaha.
  2. Saaxiibka xaasidka ah:Sababtoo ah xaasidku naftiisa waa u cadow adigana cadow buu ku yahay. Hadii aad wanaag sameyso wuxu ka arkaya neceyb uu kuu qabo ayaa hoos kaga jirta,hadii maalin aad khasaarto wuu kugu farxaya weligaa wanaagaaga ma arkayo xumaantaada buu ku shaqeynaya xaasidkana hala saaxiibin.
  3. Saaxiibka akhlaaqda xun:Hadii saaxiibka akhlaaqdiisu xun tahay oo dhaqantiisa xun yahay oo diinta ilaahay ku dhaqmin oo salaada tukan waddada tooska haysan saaxiibkaasi ma wanaagsan,wuxuu kuu horseedaya meel halaak ah waana xaqiiqo la arkay.
  4. Saaxiibka dagaalka badan leh:Waa saaxiibka markasta dhib ayuu ku jiraa,mar adiguu kula dagaalaa,mar saaxiibkaa ayuu la dagaalaa,qofkaa oo kale iska ilaali.
  5. Saaxiibka caajiska badan: waa saaxiibka aan waxba qabsaneyn.
  6. Saaxiibka aan ku ixtiraamin:sababtoo ah waxa aad u qaadeysaa cuqdad ama neceyb ka fogow.
  7. Saaxiibka waxkasta oo qabaneysid dhinaca xun ka eega: waa saaxiibla la fadhido ku dhiirigelinaynin waxkasta oo qabaneyso ku dhaha wax jira ma jira,haddii hormar gaarto waa ku niyad jabinaya,saaxiibkaas oo kale iska ilaali.
  8. Saaxiibka ceebaynta badan: waa saaxiibka qofkale ceebtiisa banaanka soo dhigaya,sababtoo ah beri adigu ku ceebayn karaa.Iska ilaali saaxiibkaas.
  9. Saaxiibka hankiisa uu gaaban yahay: waa saaxiib han aan lahayn,mustaqbal uu ka fekerayo malaha.Hankiisa madhaafsano maalintaa uu joogo iyo xaafadaa uu joogo,sheekada yaroo kooban ayuu moodaa wax fiican.Waxaa aad la saaxiibtaa nin hankiisu aad u sareeyo meel fiican ka fekerayo mustaqbal raba inuu yeesho mel inuu gaaro rabo.
  10. Saaxiibka calaacalka badan: waa saaxiib mar kastoo la fadhido wuxuu leeyahay shaqo dalka ma taalo,waxbarasho ma jirto,wax yar haday ku dhacaan wuu calaacalaa masuuliyadda nafsadiisa  ma saarayo oo cid kale ayuu saaraa.  Marka waa talo iyo tusaale iska ilaali saaxibada noocaasi ah maxaa yeelay saaxiibka noocaasi ma aha mid hormarkaaga ka fakiraayo malahan horu socod iyo mustaqbal marka waa muhiim inaad ogaato saaxiibka fiican iyo saaxiibka xun waxaa kaloo muhiim ah oo markasta lagaa rabaa cibaadada ilaaheey inaad ilaaliso oo salaada ku dadaashid iyo ala kacabsiga badisid intaa hadaa ku dadaasho wax kasta way kuu hagaaagayaan marka ala kacabsiga aan ku dadaalno insha alaah intaasi waa iga dardaaran ,wabilaaahitawfiiq.

Similar Posts