Maxaa Lagu Garanayaa Kalsoonida Markay Qofka Ka Lunto?

Kalsoonidaradu calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah qofka oo negative noqda oo aya naftiisa ay aaminto waxba in aynu qaban kareyn meel in aanu gaari kareyn,wax kasta runtii meel ka eega markaas aya la oran karaa qofkaas kalsoonidiisa aad ayey u liidataa, oo naftiisa kalsooni badan kuma qabo wuxuu arkaa waxba in aynu qaban kareyn.

Kalsooni darada waxa lagu yaqaanaa caajis,waayo dhaqaaqi maayo isagoo runtii is leh hadad dhaqaaqdo oo is dhahdo runtii amaad ku fashilantaa, hadaba arimahaasi oo dhan waxay tilmayaan kalsooni darada calaamadaha lagu garto.

2.SIDEE BAA NAFTAYDA KALSOONI UGU ABUURI KARAA?

Hadii aad rabto in aad naftaada kalsooni ku abuurto si aad mustaqbalkaada u hagaajiso:

  1. Inaad naftaada barato:waa in aad buug iyo qalin qaadata waa inaad isweydiisaa naftaada maxay ku fiican tahay,maxay ku xun tahay waa inaad soo saartaa labada dhinac ka eegtaa,waa inaad qortaa wax kasta waxay naftaadu ku fiican  tahay,sidoo kale waa inaad qortaa wax kasta ay naftaada ku liidato,waa maxay jawaabta ku soo baxaysa? Waxa ku soo baxaya shaqsiyadaada waxa ay tahay.Haddaba in aad dejisaa qaabkii aad ku hagaajin lahayd naftaada.
  2.  Inaad dejiso u jeedooyin aad xaqiijin karto:waa inaad isku daydaa ujeedadaas maalintiiba inyar xaqiijisaa waxay kugu abuureysaa kalsooni. Haddaba waa in aad la timaadaa ficil.

Ficilkaasi waa inuu ahaadaa wax adiga aad gaari karto.Waa in aad xasuusisaa naftaada maalin kasta in aad waxqabatay waxa imanaya wixii in aad kalsooni ku hesho.

  • In aad isweydiiso waa maxay qatarta aan ka baqanaya:Inta badan marka ay qofka kalsooni daro ay ku dhacdo micnaheeda waxa weye baqasho ayaa ku jirto, tusaale wuxuu ka baqanayaa in uu imtixaanka galo wuxuu isdhahaya waa ku fashilmeysaa.Marka aad ogaatid waxa aad ka baqaneysid,side baan ugu hortagi karaa?

Waxa aad ugu hortagi kartaa in aad la timaado istiraatiijiyadii aad ku sixi lahayd wadadaasi oo waa maxay imtixaankii diyaari.Markii aad diyaariso waxa imanaya in ay kalsoonidii ku soo noqoto. Sidaa daraadeed waxa la yiraahdaa qofka markuu kalsooni daro ay hayso waa inuu isweydiyaa kalsooni darada maxa keenay?Waxa  keenay cabsi ama baqasho.

-waa in aad xalisaa waxa aad ka baqaneysid

-Waa in aad noqotaa qof qaata riskiga ama khatarta: waxaad u qadenaysa waa inaad isweydiisaa intee in le’eg baa suurtagal ay tahay in uu dhacayo?Mar kasta aad qaadato riskiga waxad helaysaa kalsooni.

Mar kasta qa’aanada badiso in aad qaadato waa mar kasta kalsooni aad helayso.waxyaalaha kale ee ugu muhimsan oo kalsoonida keena waxa ka mid ah qofku hadii uu fashilmo fashilkaasi waxay noqonaysa tijaabo.Hadad is dhahdo waa fashilmayaa waxa kugu dhalaneyso kalsooni daro.

– Waxa kale oo lagu daweyn karo kalsooni darada waxa ka mid ah in aad akhrido dadka guuleystay taariikhooda: Mar kasto ogaato inay jiraan dad adiga kula mid ahaa oo guul gaaray naftaadii waxay ku abuureysaa kalsooni.In aad aqoontaada kor uqaad,mar kastoo aqoontaada kor u         qaadid waa markastoo kalsooni helayso

– In aad raacdo dadka positiveka u fekeraya dadka dhiirigeliya.

-In aad hagaajiso muuqaalkaaga oo aad is qurxiso: sababtoo ah marka aad muuqaalkaaga hagaajiso naftaada kalsooni bey siineysaa.Mar kasta isku day kalimaadka aad adeegsaneyso kalimado fiican in ay ahaadaan,kalimado dhiirigelin,iska ilaali kalimado negative, waxad inta badan isticmaashaa kalimaadka tilmaamayo in aad guuleysaneyso in aad meel gaareyso.

– In aad kalsoonida Alle qaadato oo ka baqdid: In aad markasta eegto Illahahey SCW waxa samayneyso raali maka yahay,halkaad ka eegayso dadku raali makayihiin.

Ma rabtaa guul in aad gaartid maxa laga rabaa in aad Alle isku xirtid oo mar kasta isweydiiso arintaasi Illaahey raali maka yahay, markaasi waxay imaaneysa kalsoonidii dhabta ahayd in aad hesho,wax kastana waa ku dhaqaaqaysa wax kaa hor istaagi karo ma jiro. Waa muhiim  qodobadan aan soo xusay hadaad sameyso  waxa hubaal ah inaad guulaysanayso marka waxaan ku leeyahay  guulayso.

Similar Posts