Ma Rabtaa Nolol Cusub?

Ma Rabtaa Nolol Cusub?

  • Maku daashay oo maku rafaaday sida aad u bedeli lahayd noloshada?
  • Ma isku aragtay in mar walba go’aan gaartid haddgana sidaada ku soo noqotid?
  • Ma dooneysa in aad naftsadaada ku sameysid isbedel aan ka soo noqod lahayd?Qoraalkan hadii aad akhrisid wuxu bedeli doonaa noloshada oo dhan.Su’aasha badan ee ay dadka isweydinayan in aan noloshayda bedelo. Nasiib daro inteena badan waxaaan ku seexanaa haweenkii in aynu nolosheena bedelayno subixii waxan soo kacnaa anaga oo sideenii ah howshana waxan ka sii wadeynaa meesheedii. Hadaba su’aashaan run ahaantii waxay iga dhigtay in aan in badan fekero, in aan in badan raadiyo sida aan ku heli laha jawaabta ugu fiican ee  qofkeenna uu awoodi karo in noloshiisa bedelo, in nafsadiisa ku sameeyo isbedel dhab aan ka soo noqod lahayn.
  • Hadaba maxay yihiin Fikradahan cajiibka ah ee qofkeenna ka dhigayo in uu nafsadiisa oo dhan bedelo:

Fikradahan waxay ka kooban yihiin 3 arimood mid kasta waxaa hoos imaaneysaa arimo dhowr ah.

 isbdelka qofna ma jecla, qofna ma jecla waxyaabaha cusub uu sameynayo sidaa darted waxa aan u baahan nahay in aynu jeclaanno waxa aynu neceb nahay si aynu jeclaano waxyaabaha aynu neceb nahay waxa laasim ah in la inaga helo dhowr arimood.

  1. Booqo mustaqbalka aadan dooneynin: waa mustaqbalka kuu horseedaya waxyaabaha aan fiicaneyn oo aad sameyneysid.Tusaale adiga oo ku nool nolol aan fiicnayn aan wax soo saar lahayn,nolol aan ahayn nolosha aad adiga mudan tahay in aad ku noolaatid haddaba adiga ma dooneysid noloshaas.Adiga waxa aad dooneysaa nolol wax soo saar leh, nolol fiican,haddaba caadooyinkan aad sameynaysid kuma geynayan mustaqbalka wanaagsan,waxay ku geynayan mustaqbal aan wanaagsaneyn haddaba ka joogso oo sameyso caadooyin wanaagsan oo ku horseedaya mustaqbal ifaya ,mustaqbal hormar leh
  2. Xaddid araimaha aad sameyneysid aad ayey muhiim u tahay qofkeenna hadda uu ogaado waxyaabaha uu sameynayo waxa ay yihiin.Ogaanshaha waa bilowga isbedelka  qofkeenna marka hore hadii uu ogyahay waxaa u baahan in la bedelo markas wey u fududaaneysa in uu bedelo noloshiisa.Tusaale waxa aan raba in aan bedelo  dhafarta, jadwal aan sameysto, maalin walba wax akhriyo, in aan qaato koorsooyin, in aan bilaabo wax barasho waayo waxay ii horseedayan mustaqbalka aan doonayo.Xaddid waxyaabaha kuu diidan isbedelkaas.

Marka aynu ogaanno dhibaatada aan ku jirno markaas ayaa aynu xalin karnaa.

  • Sameyso dhiirigelin:Dhiirigelintu waxay u Qaysantaa 2 qaybood
  • Mid gudaheenna ah:in aan nafsadeyda kula hadlo hadalo dhiirigelin ah,hadalo marwalba ii horseedaya in aan awoodi karo in aan nafsadeyda bedelo in aan awoodi karo go’aan adag qaato, in aan dhisto mustaqbal wanaagasan.
  • Mid bannaanka ah:Waxan qolkeyga ku  dhejistay aniga oo fitness/ jirkeyga dhisan yahay.

B.Samee waxa aadan dooneyn in aad sameysid

1) Qorsho sameyso: Tusaale qor caadooyinka hadda aadan dooneyn in aad sameyso sida hurdada badan,sidoo kale ku qor waxyaabaha ku wanaagsan ee aad ogtahay in ay ku jirto guushada in aad xilli hore seexatid,xilli hore soo kacdid, in aad xilli hore aadid schoolka/jaamacadda.

2) Ficil la imow:Waxa aad ka dhabeyneysa in aad sameysid waxa aadan dooneyn in aad sameysid. Tusaale waa in aad dhahdaa waa in aan bilaabaa, waa in aan courseka bilaabaa.

C. Kala saar saaxibadaa: Qofkasta wuu ogyahay sameynta ay nagu yeelanayan saxiibadeenna tusaale immisa qof ayaa wadada ka kalumay saxiib dartii,immisa aya baratay inay sigaar cabaan saaxiib dartii.Saxiibka wuxu leeyahay saameyn aad u weyn.Haddaba waa in aad si fiican u ogaataa saxiibadaada.

Saxiibadu waa 2 nooc:

-Kuwa kugu dhiirigelinaya hadafkaga iyo guushada

-kuwo kuu horseedaya caadooyinka aan wanaagsan ku baraya waxyaabaha aan fiicneyn.

Kala saar saxiibadaada:

-Ka fogow kuwo aan hami La’aanta ah:waa saaxiib xun aan hormar kula rabin/ isbedel

-Sameyso saaxiibo cusub/ wanaagsan: waa saaxiib wanaagsan oo kula jecel nolol hormar leh iyo mustaqbal fiican.

Similar Posts